Talo sharciyeed

Legal Advice - Somali (Soomaali)

Marka qareenka uu kaa caawiyo dhibaatadaada sharci ee gaarka ah, waxaan tan ugu yeernaa talo sharciyeed. Talada sharciyeed way ka duwan tahay macluumaadka sharciga ah, taas oo mid guud noqon karta waxaana inta badan bixiya qof sharciga wax ka yaqaana laakiin aan ahayn qareen.

Gargaarka Sharciga ee NSW waxay siisaa macluumaadka sharciga qof kasta oo dhibaato sharci ka haysato NSW iyada oo loo sii marayo macluumaadkeena sharciga iyo adeegga gudbinta, LawAccess NSW.

Waxaan qaab taleefan ahaan ah ku siinaa talo sharci oo bilaash ah dadka u qalma oo ku kala sugan meelo badan oo NSW ka tirsan.

Waxaa aad ka filan karto kulankaaga talada

Kulamadeena talada sharcigu waa bilaash oo guud ahaana waxay socdaan qiyaastii ilaa 20 daqiiqo. Qareen ayaa ku dhagaysan doona ka hadal dhibaatadaada, ku waydiin doona su'aalo daba-gal ah, oo kaa caawin doona inaad go'aansato waxaad samaynayso marka xigta.

Waxa laga yaabaa inay awoodaan inay kugu caawiyaan dukumentiyada gaagaaban haddii aadan qareen haysan. Ma awoodi doonaan inay kaa gacan siiyaan dukumeentiyo sharci oo adag oo dheer.

Qareenkaaga ayaa sidoo kale kuu sheegi doona haddii ay awood u leeyihiin inay sii wadaan inay kaa caawiyaan kiiskaaga. Haddii ay jiraan, shaqaalaha ayaa kaa caawin doona buuxinta codsiga loogu talagalay gargaarka sharciga.

Haddii aan awoodi wayno in aan ku siino kaalmo dheeraad ah kulankaaga talada ka dib, waxa laga yaabaa in aan awood u yeelano inaan ku siino macluumaad ku saabsan halka aad ka raadsan karto caawimaad dheeraad ah.

Waxa aan kala talino

Qareenadeenu waxay kaa taageeri karaan arrimaha dembiyada ee ku lugta leh booliiska, arrimaha qoyska ee ku lugta leh carruurta ama burburka xiriirka, ama arrimaha madaniga ah halkaas oo aad dhibaato kala kulanto baahida aasaasiga ah sida guriyeynta, taageerada dakhliga ama helitaanka taageerooyinka caafimaadka iyo naafada.

Yay tahay cidda heli karta talo sharciyeed

Qof walba talo sharciyeed ma siino. Ujeedadeenu waa in aan siino adeegyada sharciga dadka ku nool NSW ee ay la soo deristay khasaare, waxaana haysanaa kheyraad kooban si aan taas ugu guulaysano.

Sida loo ballansado kulan talo

Sida ugu wanaagsan ee lagu ogaan karo haddii aan ku siin karno talo sharciyeed oo bilaash ah ama u qabsato ballan waa inaad la hadasho kooxdeena ku sugan LawAccess NSW.

Waxaad la xiriiri kartaa iyaga adigoo wacaya 1300 888 529 ama adiga oo isticmaalaya adeeggooda webchatka ee onlaynka ah. Waxay furan yihiin 9 subaxnimo ilaa 5 galabnimo, Isniinta ilaa Jimcaha (marka laga reebo maalmaha fasaxyada).